Muuqaalkani, waa mid kamid ah markaabiita dagaalka Ruushka oo taariikh dhigaya, waxaa dushiisa laga ganayaa gantaal cusub oo tijaabo ah.

Ciidamada badda Ruushku waxay sheegeen inay ku guulaysteen tijaabadan, gantaalka, oo noociisu yahay lidka maraakiibta dagaalka, loona yiqaan nooca ka dhakhsiyaha badan gantaalka Zircon ama ‘’ultra-fast Zircon’’, ayaa ku gaadhay fogaanta uu jiray bartilmaameedkii loo asteeyay, taasi oo dhammayd 450 Km daqiiqado kooban gudahood.

Wasaaradda difaaca ruushku waxay sheegtay in markabka Admiral Gorshkov, oo kamid ah maraakiibta ugu casrisan ee xambaara gantaalaha is wadaa uu u amba baxay badda cad Salaasadii gaar ahaan marin yar oo laga soo galo badda Barent-ka, markaasi oo uu saarnaa gantaalka Zircon.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushku waxay sheegtay in tijaabada gantaalkani ay ahayd mid kamid ah shan tijaabo, kaas oo ka dheereeyay xawaaraha jabaqada in ka badan 8 jeer.

Gantaalkan cusub ayay Ruushku ku sheegeen guul taariikh, maadaama uu burburin karo bartilmaameedka loogu talagalay.

Isagoo madaxwaynaha Ruushka Valadamir Putin ku amaanay saynisyahannada, qaabeeyayaasha, shaqaalaha hal-abuurka iyo khuburada dhanka Miliatarigu guusha ay soo hooyeen.

Putin wuxuu sheegay in hawl-galkii dhammaaday, taasina ay kamid tahay ku qalabaynta ciidamada xoogga hubka ugu casrisan.

Gantaalka Zircon, ayaa hawshiisa lagu jiray sanado badan, balse waxay ahayd uun sannadkii hore markii madaxwaynaha Ruushku uu si rasmi ah u xaqiijiyay jiritaankiisa.

Ruushku wuxuu hore u tijaabiyay gantaalaha kale ee jabaqda ka dheereeya, sida Avangard oo sidoo kale loo yaqaan (Vanguard) glider, and Kinzhal, kuwaas oo ah nooca Cruise ee fogaanta fog.

Ruushku wuxuu sheegay hiigsigiisa ah soo saarista gantaalaha Mach 9 amaba kuwa jabaqada ka dheereeya in ka badan 9 jeer, kuwaas oo daqiiqado kooban ku gaadhi kara fogaan ka badan 1000 Km.

Dabcan marka aad maqashay qorshaha Ruushka, waxaa kugu soo dhacay dalka sida wayn ay isku hayaan ee Maraykanka. Maraykanku wuxuu iskaga baxay heshiiskii ABM ‘’Anti-Ballistic Missile’’ kaas oo lagu xaddidayay farsamaynta iyo adeegsiga gantaalaha Balllistic-gga sannadkii 2002.

Ruushku wuxuu sheegay in Maraykanku uu soo saaray tiro badan oo gantaalahaas ah, qaarna uu soo dhoobayba xuduudaha Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee shaki kuma jiro in hubka ay shaaciyaan dalalkani uu si walba uga yar yahay inta ay farsameeyaan dhab ahaantii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga