Barbados ayaa ku dhawaaqday damceeda ah inay meesha ka saarto Boqoradda Queen Elizabeth oo madax ka ahayd isla markaana ay noqoto jamhuuriyad.

“Waxaa la gaadhay waqtigii si buuxda looga tagi lahaa gumeystayaashii ina soo maray,” ayay tidhi jasiiraddan dawladda ah ee Caribbean-ka dhacda.

Ujeeddadeedu waa in lagu dhammaystiro hawsha waqtiga loogu talagalay sannad-guurada 55-aad ee madax-bannaanida Ingiriiska, Noofembar 2021.

Khudbad ay qortay ra’iisul wasaaraha jasiiraddaasi Mia Mottley ayaa lagu sheegay in dadka Barbadooriyiintu ay rabaan qof reer Barbadoor ah oo madax u ah.

“Tani waa hadal kama dambeys ah oo aannu kalsooni ku qabno cidda aanu nahay iyo awoodda aanu u leenahay inaanu guulaysanno ayay tidhi raysal-wasaaraha Barbadoor.

Qasriga boqortooyada Ingriiska ee Buckingham Palace oo ka hadlay go’aanka dawladda Barbadoos inuu yahay mid u gaar ah una taalla dalwadda iyo dadka reer Barbadoos.

Ilo ku sugan Buckingham Palace waxa ay sheegeen inaan fikraddu ahayn mid aan laga firkanixin, balse hadal haynteedu badnayd muddooyinkii u dambeeyay oo xitaa fagaareyaasha lagaga hadal hayay.

Barbadoos ayaa kamid ah jasiiradaha ugu dad tiro badan uguna qanisan jasiiradaha dhaca Karabiyaanka, waxaanay xornimadeedka ka qaadatay Britain sannadkii 1966-kii, balse waxaa weli madax u sii ahayd boqorradda da’da wayn ee Ingriiska Elizabeth ta labaad.

Jasiiraddan, ayaa si wayn ugu tiirsan dhoofinta sonkorta, iyo dhaqaale is dhex socod ah oo ay ugu waawayn yihiin dalxiiska iyo maaliyaddu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga