Lijian Zhao.

Dawladda Shiinaha ayaa mar kale ka hadashay xidhiidh cusub oo dhawaan u bilaabmay Somaliland iyo Taywan, kuwaas oo sheegay in ay dhisayaan xidhiidh diblomaasiyadeed oo labada dhinac u dhaxeeya.

Somaliland iyo Taywan waa laba gobol oo aan wali aqoonsi ka helin beesha caalamka, balse ka go’ay wadamadii ay hore uga tirsanaayeen oo kala ah Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa xustay in aanay marna raali ka ahayn xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Taywan. Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda oo warbaahinta magaalada Beijin kula hadlay ayaa sheegay in ay khalad tahay wakiilada ay is dhaafsanayaan Somaliland iyo Taywan, wuxuuna intaa ku daray in ay ixtiraamayaan madaxbanaanida Soomaaliya, isla markaana ay tahay in aanay Taywan ku xad gudbin dhulka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Somaliland iyo Taywan wali kamay ahdal hadalada kasoo yeedhay dawladda Shiinaha oo ka xun xidhiidhka ay yeesheen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga