Dawladda Somaliland ayaa ka diidday Shiinaha dalab uga yimi kaas oo ahaa inay xidhiidhka u jarto jasiirradda Taiwan.

Warkani, oo lagu daabacay mareegta Raadiyaha caalamiga ah ee Taiwan ( Radio Taiwan International), ayaa waxaa lagu sheegay inuu Shiinuhu cadaadis ku saaray Somaliland sidii ay xidhiidhka ugu jari lahayd jasiiradda Taiwan, kadib markii Somaliland iyo Taiwan ay si rasmi ah u shaaciyeen xidhiidhkooda, iyagoo xafiis-wakiileedyo ka kala samaysanaya labada geesood.

Warar ay qortay warbaahintani, ayaa sheegay in danjiraha Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya uu laba jeer la kulmay masuuliyiin ka socda Somlailand, isagoo isku dayay inay Somaliland xidhiidhka u jarto jasiiradda Taiwan, taasi oo aanu Shiinuhu ogolayn inay madax bannaani buuxda ka qaadato dhulkiisa.

Wararka lagu daabacay mareegta Radio Taiwan International, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalabka dawladda Shiinaha ay kamid ahayd, in haddii Somaliland xidhiidhka ay u jarto Taiwan, uu shiinuhu ka furan doono xafiis magaalada caasimadda u ah Somaliland ee Hargeysa.

Mareegta Radio Taiwan International, ayaa sheegtay in madaxwaynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ay u sheegeen masuuliyiintii Shiinaha ahaa inay soo dhawaynayaan wada shaqaynta dalalka oo dhan, kuwaas oo uu xitaa Shiinuhu kujiro, balse waxay diideen dalabkii Shiinaha ee ahaa inay xidhiidhka u jaraan Taiwan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga