Dawladda Talyaaniga iyo jasiiradda Malta ayaa diiday in ay qaabilaan muhaajiriin ka badbaaday badda Mediterranean-ka, oo rabay in ay galaan qaaradda Yurub.

Markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Lebenon oo siday 52 tahriibayaal ah ayaa loo sheegay in aan la ogolayntahriibayaasha uu soo badbaadiyay. Ninka waday markabka ayay si khasab ah dawladda Talyaanigu u amartay in dadka uu sido uu ku xareeyo qafasyada lo’ada lagu raro ee markabka. Naakhuudaha ayaa xusay in dadku aanay ahayn xoolo, balse ay tahay in dawladaha ka agdhawi ay qaabilaan oo isaga iyo kambanigiisuba aanay khasaare intaa ka badan gali karin.

Badi 52-ka tahriibayaalka ahi waxay kasoo jeedaan wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti, waxayna u baahanyihiin gargaar caafimaad ee degdeg ah. Waxay kasoo badbaadeen dagaalka Libya, waxayna badweynta kusoo jireen shan habeen.

Laba ka mid ah tahriibayaasha ayay maamulka jasiiradda Malta ogolaadeen in gargaar caafimaad la siiyo, balse inta kale way diideen.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dawladda Talyaaniga iyo Malta ku canaantay in ay dayaceen nolosha dadka muhaajiriinta ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga