Covid-19 ayaa mar kale u muuqda mid ku fidaya wadamada qaar sida Maraykanka oo gobolo badan uu mar kale xanuunku faafayo, kadib markii lasoo celiyay nolosha caadiga ah.

Tirada dadka u dhintay xanuunka ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay kor u dhaafay nus milyan qof, sida ay tilmaamayan xog-ururinihii ugu danbeeyay.

Dadka uu ku dhacay xanuunku ayaa sidoo kale iyaguna kor u dhaafay 10million oo qof, sida ay sheegayso jaamacadda Johns Hopkins.

Dalka Maraykanka oo si ba’an xanuunku u saameeyay markii hore, ayaa kala badh gobolada dalkaas uu mar kale xanuunku kor u kacay. 2.5 million oo qof ayaa xanuunka qaaday. 47, 000 oo kiis in ka badan ayaa maalintii Axadda oo kaliya la diwaan galiyay.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya xaaladda Maraykanka, iyadoo ninka ugu sareeya la dagaalanka xanuunka ee Maraykanka, Dr. Anthony Fauci, uu sheegayo in labada todobaad ee soo socda ay xaaladda Maraykanku adkaan doonto.

Raysalwasaaraha Ingiriiska oo dhaqaalaha dalkiisa uu wiiqay xanuunka Covid-19, oo isaguna hadlay ayaa xanuunka ku tilmaamay masiibo Ingiriiska loosoo diray.

Maraykanka ayaa isagu hogaaminaya wadamada caabuqu sida xun u samaeeyay, Brazil ayaa labaysa. Waxa kusoo xiga Ingiriika, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga