Russian President Vladimir Putin speaks during a session prior to voting for constitutional amendments at the State Duma, the Lower House of the Russian Parliament in Moscow, Russia, Tuesday, March 10, 2020. Putin says he supports a proposed constitutional amendment that would allow him to seek another term and remain in power. Putin gave his support Tuesday to the amendment put forward by a lawmaker who as a Soviet cosmonaut became the first woman to fly to space.(Alexei Nikolsky, Sputnik, Kremlin Pool Photo via AP)

Dadweynaha Ruushka ayaa u dareeray afti socon doonta todoba maalmood ah, taas oo loogu codaynayo wax ka badal lagu samayanayo dastuurka dalkaas.

Wax ka abdalka dasturka ayaa madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, u ogolaanaya in uu laba jeer oo danbe u tartamo doorashada madaxtinimada. Waxay ka dhigantahay in 16-ka sanno ee soo socda uu madaxweyne Putin u talin doono dalka labaad ee ugu cududa buuran dunida milatari ahaan.

Codaynta ayaa maalmo soconaysa si looga hor tago fiditaanka xanuunka Covid-19 ee gudaha dalka Ruushka. Xanuunka ayaa in ka badan 8 kun oo qof ku dilay dalkaas.

Af-dabool ama mask iyo qalabka kale ee lagaga hor tago Covid-19 ayaa loo diyaariyay in ka badan 110 million oo qof oo la filayo in ay codeeyaan aftidan.

Bishii April ayay qorshaysnayd aftidani, balse waxa loo baajiyay xanuunka oo markaas ku fiday gudaha dalka Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa hogaanka Ruushka lagu arkayay labaatankii sanno ee ugu danbeeyay, oo uu marna raysalwasaaare ahaa marna madaxweyne noqday.

Hogaamiyahan 67-jirka ah ayaa muddo xileedkiisa imiku uu ku ekaan karaa sanadka 2024-ka, wuxuuna imika dhabaha u xaadhayaa hanaan uu Aqalka Kremlin-ka ee looga arimiyo dlaka Ruushka kusii joogo illaa sanadka 2036-ka.

Waxa lagu amaanaa in uu dlaka Ruushka ka dhigay mid dhaqaale ahaan iyo milatari ahaanba degen, kadib qaskii waddanku uu wajahay wixii ka danbeeyay Midawgii Soofiyeeti.

Illaa 59% dadweynaha Ruushka ayaa la sheegaa in ay ku qanacsanyihiin hogaaminta Putin, sida lagu xusay xog ururin ay samaysay Levada, oo ah xarunta uruinta xogaha ee ugu wayn dalka Ruushka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga