Malaayiin ka mid ah caruurta reer Yemen ayaa qarka u saaran in ay mar kale macaluuli ku dhufato. Hay’adda Caruurta ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in macaluushu ay xumaato hadii aan la bixin $500million oo gargaar degdega ah.

UNICEF waxay xustay in caruurta macaaluushu ay haleeshay ay gaadhi doonaan 2.4 million oo caruur ah marka la gaadho dhammaadka sanadka, waa korodh gaadhaya 20%.

In ka badan 6,000 oo caruur ah ayaa sidoo kale u dhiman kara xanuuno laga hor tagi karo, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso. Nidaamka caagimaad ee Yemen oo markii horeba ay baabiiyeen dagaalada sokeeye ee waddanka ka jiray ayuu sii wiiqay caabuqa Covid-19.

In ka badan 14 million oo caruurta Yemen ah ayaan haysan nolol dhammaystiran. 9 million oo ka mid ahi ma helaan biyo, fayo-dhawr iyo cunto nadiif ah.

Coolada 5 sanno jirsatay ee Yemen, ayaa u muuqata mid sii jiitamaysa. Dawladda ay boqortooyada Sucuudigu taageerto ayuu xaalku ku xunyahay, waxaana ay ku jirtaa dagaal laba beelood ah oo Xuutiyiinta iyo kooxaha gooni u goosatada koonfureed ah.

Yemen oo ugu fiqiirsan wadamada Bariga Dhexe ayay dhaqaalaheeda colaaduhu curyaamiyeen. Malaayiin qof ayaa ku shaqo beelay, iyadoo 80% shacabka dalku ay gargaar bini aadamnimo u baahanyihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga