Donald Trump wuxuu mar kale eedaymo culus u jeediyay xildhibaanadda lagasoo doorto gobolka Minnesota sal ahaanna kasoo jeeda Soomaaliya ee Ilhan Cumar. Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale duray dawladnimada Soomaaliya.

Taageeryaashiisa ayuu ugu khudbadaynayay magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dhaca badhtamaha koonfreed ee dalka Maraykanka.

Trump oo ka hadlayay ninka ay xafiiltamayaan ee Joe Biden iyo xisbiga Dimuqraadiga ayaa yidhi “Ilhan cumar waxay Joe Biden uga faro dhuudhuubnaan doontaa dawladda. Waxay rabaan in ay kooxaha bidixda ah ee nacaybku ka buuxo, ay maamulaan arimaha qoysaskiina iyo waddankiina. Uma malaynayo in ay dhici doonto.

Waxay rabtaa in ay dawladdeena ka dhigto, sida waddanka ay ka timi ee Soomaaliya. Kama jirto wax dawlad ahi, ammaan maaha oo boolis ma laha, waxababa ma laha. Waa meel qasan oo bilaa dawlad ah. Imikana waxay inooga sheegaysaa sida waddankeena loo maamulayo. Maya, waad mahadsantahay. Waxaan filayaa in aynu guul wayn ka gaadhi doono gobolka Minnesota.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga