Dawladda Yemen waxay kooxaha gooni-u-goosadka koonfureed ku eedaysay in ay ka danbeeyeen wax ay ku sheegtay isku day afganbi oo ka dhacay jasiiradda Suqadra ee ay Yemen maamusho.

Maleeshiyo ka amar qaata kooxaha gooni u goosatada koonfureed ayaa isku day afganbi oo dhammaystiran kusoo qaaday jasiiradda Suqadra, waxayna curyaamiyeen dhammaan hawlaha ka socday xarumaha dawladda ee jasiiradda, ayaa lagu yidhi war kasoo baxay xukuumadda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee dalka Yemen.

Habeenimadii Sabtida ayay kooxaha gooni-ugoosadka koonfureed oo ay taageerto dawladda Imaaraadka Carabtu, waxay badi la wareegeen maamulka jasiiradda. Iyagoo iska hor imaad la galay ciidamada dawladda madaxweyne Cabdurabbu Mansuur Hadi, iyagoo sidoo kale madaafiic ku weeraray xarumaha dawladda.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa sidoo kale qabqabtay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, iyo dad deegaanka ah oo kasoo hor jeeda joogitaankooda jasiiradda Suqadra.

Waxa socday dedaalo lagu dhex dhexaadinayo dawladda Yemen iyo kooxaha gooni u goosatada koonfureed, kaas ay gadhwadeen ka tahay dawladda Sucuudiga oo iyadu taageero siisa dawladda madaxweyne cabdurabbu mansuur hadi.

Jasiiradda Suqadra ayaa ah mid istaraatiji ah oo dhacda inta u dhaxaysa marinka Gardafuur ee xeebaha waqooyi bari dalka Soomaaliya iyo badda carabta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga