Jabuuti iyo Kenya waxay si adag ugu loolamayaan kursi aan joogto ahayn oo ka banaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dal Afrikaan ah loogu talo galay.

Labadan waddan ee ku yaala Bariga Qaaradda Afrika ayaa hore ugu kala baxay Midawga Afrika, markaas Kenya ay Jabuuti kaga guulaysatay codaynta wadamada Afrika, balse go’aanka ugu danbeeya waxa iska leh xubnaha Qaramada Midoobay oo maanta cod u qaadaya labada waddan.

193 waddan ayaa cod gacan-taag ah midkood ugu ogolaan doona in uu qabto kursiga Golaha Ammaanka oo muddo laba sanno ah loo ogolyahay.

Jabuuti iyo Kenya mid waliba wuxuu muujiyay dedaal kasta oo uu ku hanan karo kursiga, iyagoo soo bandhigay sababta ay ugu qalmaan qabashadiisa iyo doorka ay ku leeyihiin nabadaynta gobolka, Afrika iyo caalamkaba.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo maanta hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uu kaalin laxaad leh ka qaatay degnaanshaha gobolka iyo nabadda. Wuxuu tusaale usoo qaatay shirkii Carta ee lagu heshiisiiyay dhinacyadii ku dagaalamayay Soomaaliya sanadkii 2000. Wuxuu sidoo kale soo qaatay wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu iyagana sheegay in uu marti galiyay isla markaana filayo in natiijo wanaagsan oo anfacda malaayiin qof ay kasoo baxdo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka mid ah lixda waaxood ee ay ka koobantahay Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 15 waddan. Shan waddan oo ka mid ahi waxay haystaan kuraas joogto ah, waana Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingriiska, iyo Faransiiska. 10-ka waddan ee soo hadhay waxa ay isu bedelaan muddo xileed laba sanno ah, iyadoo kolba wadamo cusub la doorto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga