Dalka Jabuuti waxa maalmihii lasoo dhafaay ka socday wada-hadal u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo lagu rabo in xal lagaga gaadho khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay labada xukumadood ee Hargeysa iyo Muqdisho.

Xogaha ay warbaahinta SAAB helayso ayaa tilmaamaya in qodobada labada dhinac ay ka duulayeen ay ugu horayso, is-kaashiga hay’adaha ammaanka iyo la daagalnka argagixisada, is-kaashiga arimaha hawada iyo dakhliga kasoo xarooda la wadaago, in meesha laga saaro caqabad kasta oo ganacsiga ka hor iman karta, in aan la siyaasadayn arimaha gargaarka iyo in Somaliland ay hesho saamigeeda, in la wadaago dhaqaalaha la helo kadib dayn-cafinta iyo in la wadaago mashaariicda maal-gelinta, iyo ugu danbayn in arimaha dhaqanka laga qaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara.

Xubnaha gudida Somaliland ayaa la sheegayaa in arinta is-dhexgalka dhaqanka ay walaac la muujiyeen, taas oo wiiqi karta aragtida shacabka ee qadiyadda ay aaminsanyihiin.

Qodobada ay hadda ka wada hadlayeen labada dhinac, afar ka mid ah waxa la isla qaatay wada-hadaladii Turkiga ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, balse fulintooda ayaa laga dooday.

Turkiga ayaa saluugay in wada xaajoodkii uu isagu dhex dhexaadinayay aan waxba lagasoo qaadin, safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya imikana ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Turkiga ayaa keenay su’aal ah in qodobadii hore Turkiga la iskula qaatay qashinka la raaciyay. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in laga dhex akhrisan karo in Turkigu aanu ku niyad-samayn wada hadalada socda oo aanu qayb ka ahayn.

Waxa jira dhinacyo kale oo saluug ka muujinaya in miiska wada hadalka laga reebo, sida Midawga Afrika oo hadda danaynaya in uu qayb ka noqdo dhex dhexaadinta. Inkasta oo dhinacyada oo dhami ay hore u sheegeen in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo qayb ka nooqnaysa dedaalada dhex dhexaadinta.

Badi diblomaasiyiinta ayaa qaba in hawlaha la bilaabay iyo qodobada qaar la isla qaatay ay ugu badnaan qaadan karaan shan sanno in lasoo wado, oo laga gaadho natiijo wanaagsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga