Tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus gebi ahaanba caalamka oo idil, ayaa waxay gaadhay 5.5 Milyan, dadka ka bogsaday Corona-ha dunida oo dhan ayaa cagacagaynaysa 2.23 Milyan, halka ay u dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 346,000 oo ruux.

Maraykanka, dhimashadu waxay gaadhay 98,223 qof, halkaasi oo laga helay dad tiradoodu ka badan tahay 1,662768 qof, boqortooyada UK waxaa Coronavirus ugu geeryooday dad tiradoodu ka badan tahay 36, 996 qof, halka Talyaanigu uu noqday dalka saddexaad dalalka ugu dhimashada badan xanuunka Coronavirus iyadoo ay Talyaaniga Corona ugu geeryoodeen 32,877 ruux.

Inkasta oo ay dalalkaasi yihiin kuwa ugu dhimashada badan haddana waxaa jira kuwo iyagu safka hore kaga jira dhimashada Coronaha iyo dadka uu ku dhacayba, kuwaasi oo kala ah dalalka Brazil, Ruushka, Spain, Faransiiska, Jarmalka iyo Belgium.

Madaxwaynaha dalka Philippine,  Rodrigo Duterte, waxaa uu sheegay inaanu ogolaan doonin inay ardayda dalkiisu dib ugu laabtaan dugsiyada, illaa buu yidhi tallaal loo helo Fayraska Coronavirus.

Sidii aannu ku sheegnay warbxinaha maalin laha ah, tirada meelaha qaar dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay Corona, ayaa hoos usoo dhacaysa, taas oo astaan u ah war wanaagsan oo dadwaynaha adduunku dhegta u wada taagayaan, balse nasiib darro haddana waxaa kor u sii kacaya tirada meelo kale oo aanu xanuunku ka jirin amaba ay yaraayeen dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintayba.

Tirikoobyadan, oo aannu kasoo xigannay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka, ayaa ah kuwo isbedbedelaya saacadba saacadda ka dambaysa.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga