Madaxwaynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte, ayaa waxaa uu sheegay inaan loo ogolaan doonin ardayda dalkaasi inay dib ugu laabtaan dugsiyada illaa inta la helayo buu yidhi tallaalka xanuunka Coronavirus, iyadoo dalalka qaar dugsiyada lagu laabanayo walow aad loo kala fogaynayo ardayda.

Madaxwayne Duterte waxaa uu sheegay in haddii loo diro ardayda dugsiyada, ay tahay ‘’musiibo’’ mar uu ka hadlayay khudbad laga baahiyay Telefishanka maalintii Isniinta.

‘’Uma ogolaan doono in dib loo furo fasallada, halkaasi oo ay ardaydu isku dhowdhow yihiin, illaa aan hubiyo inay badqabaan dhab ahaantii’’ ayuu raaciyay hadalkiisa Mr. Duterte.

Ardayda dalkaasi, ayaa la rajaynayay inay kusoo laabtaan dugsiyada bisha August, iyadoo tirada ardayda dugsiyada hoose iyo sare ku jirta dalkaasina lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 25 Milyan, kuwaas oo laga xidhay dugsiyada bishii March markii Coronavirus soo gaadhay dalkaasi.

Madaxwaynaha Philippine waxaa uu sheegay in caafimaadka ardayda iyo bulshadu uu ka wanaagsan yahay dugsiyada oo la furo xilligan.

Illaa hadda ma jiro tallaal loo helay xanuunka Coronavirus, kaas oo sida laysku qaadsiyaa ay aad u sarrayso, inkasta oo Saynisyahanadu ay ku dedaalayaan soo saarista tallaal ama dawo loo helo Fayraskan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga