Dawladda Shiinaha ayaa si adag u xanaaqday kadib markii dawladda Maraykanku ay Congress-ka ku wargelisay suurtagalnimada inay gantaallo ka iibiso jasiiradda Taiwan.
Afahayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa waxaa uu sheegay in dawladda Shiinuhu samaynayso wixii karaankeeda si aan gantaalahaa looga iibin Taiwan, taas oo sii xumayn karta xaaladda.
Gantaalaha uu Maraykanku doonayo inuu ka iibyo Jasiiraddan Shiinuhu sheegto inay kamid tahay dalkiisa balse iyadu diiddan, ayaa ah kuwa laga rido biyaha badda hoostooda.
Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa qalinka ku duugtay iibka gantaalahan layidhaa 18 MK-48 Mod6, kuwaas oo kharashka lagu iibinayana ku sheegay inay dhan tahay 180 Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ah.
Jasiiradda Taiwan, ayaanu Maraykanku la lahayn wax xidhiidh dublumaasiyadeed oo toos ah, balse sida dalal badan oo ku yaalla adduunka, haseyeeshee waxaa uu Maraykanku u arkaa Taiwan, mid uu Shiinaha ku khuukhiyo markasta oo ay xurgufi dhex martana dookha koowaad u soo gala.
Shiinaha ayaa mar walba ka diga khalkhal ku yimaad xidhiidhkooda oo ka dhasha taageerada Militari ee Taiwan uu siinayo Maraykanku.