Wararka uu Saab TV ka helayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegay in madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, uu maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka Kaah.

Madaxweyne Deni, ayaa xarunta ururkaasi waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaadhka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, isagoo madaxwaynuhu intaa kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, bartaasi oo uu si rasmi ah isu diiwaangeliyay xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah.

Warbaahinta Puntland ayaa ku warramaysa in hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay ka mid ahayd qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, iyadoo dowladdu muddo 7 bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaadhka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, sida ay warbaahin dawladda xidhiidh la leh sheegtay Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17 urur siyaasadeed.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga