Duufaanta Amphan waxay dhulka la sintay deegaano badan oo ku yaala bariga waddanka India, iyadoo magaalooyin waawayna burburisay dhismayaal badan.

Magaalada Kolkata ayay duufaanta oo awood xoogan lahayd si ba’an u waxyeelaysay. Illaa 15 ayaa ku nafwaayay roobab iyo dabaylo xoogan oo duufaantani ay wadatay, iyadoo markii danbana u jihaysatay dhanka deegaanada xeebaha.

Inta badan, shacabka ka abdan 14 million ee ku dhaqan magaalada Kolkata ayay ka go’antahay korontadu.

Badhasaabka gobolka West Bengal ayaa sheegay in duufaantu ay ahayd musiibo ka daran xanuunka Covid-19, oo markii horeba saamayntiisa uu gobolku la daalaadhacayay.3000 kiisas ka badan oo xanuunka ah ayaa laga helay caabuqa.

Muuqaalo kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda uu leeyahay burburka deegaanadan soo gaadhay, iyadoo xadhkaha korontaduna ay meelaha qaar dab dhaliyeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga