War murtiyeed ay ka soo saareen madasha xisbiyada qaran ee doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya sannadka 2020-2021 ayay waxay ku baaqday in noqoto doorasho ku dhacda wakhtigeeda.

Madasha xisbiyada qaran, ayaa ka dhaawajisay baahida loo qabo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda wakhtigeeda, iyagoona ka digay muddo korodhsi dhaca.

Madasha xisbiyada qaran, ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Soomaaliya, inay u qoondayso dhaqaale, iyagoo sheegay inaanu hadda ifafaalahaasi muuqan.

Sidoo kale madasha xisbiyada qaran, waxaa kale oo ay sheegeen inay doorashadu noqoto mid midaysan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan.

Baaqa madasha xisbiyada qaran ee Soomaaliya, ayaa imanaya xilli dunidu si wayn ula tacaalayso cudurka Coronavirus, kaasoo fara ba’an ku haya dunida soona gaadhay Soomaaliya, oo kamid ah dalalka ugu liita adeegga caafimaadka adduunka oo dhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga