Aaska amaba duugta wiil da’yar oo la aaminsan yahay inuu yahay ilmihii ugu horreeyay ee u geeryooda cudurka Coronavirus ayaa ka dhacday dalka UK.

Naxashka lagu sido maydka Ismaaciil Maxamed Cabdiwahaab, ayaa lagu riday xabaasha, xilli dadkii ku riday ay xidhnaayeen maryo cadcad, wejiyaduna u duubnaayeen.

Ma jirin qof keliya oo katirsan ehelkoodii, oo kasoo qaybgalay aaska Ismaaciil, maxaa yeelay laba kamid ah lix qof oo ehelkiisa ah ayaa muujiyay calaamadaha xanuunka Coronavirus.

Dadkii kasoo qaybgalay aaska, ayaa si aad ah u kala durka, iyagoo tixraacaya qawaaniinta kala fogaanshaha, ee ay culimada caafimaadku ku talisay.

Ismaaciil, oo degganaa Brixton oo ku taalla koonfurta magaalada London, ayaa cisbitaalka ku dhintay xilli hore maalintii Isniintii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga