Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Gadu Andargachew, oo u warramayay BBC-da qaybta afka Amxaariga ku hadasha, ayaa waxaa uu sheegay inay Masar ku khasbayso Itoobiya inay saxeexdo heshiis uu ku tilmaamay inaanay dani ugu jirin.

Mar wax laga waydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, barta uu marayo wada-xaajoodka u dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa waxaa uu sheegay in Wadaxaajoodka marayo qaybihii ugu dambeeyeey, iyada oo uu soo socday muddo sagaal sannadood ah oo ku beegan tani iyo marka ay Itoobiya billaawday dhismaha biya xireenka.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo la lahdlayay BBC qaybta afka Amxaariga

 

‘’ Dhismaha biya xireenka markaan billaawnayba waxaa cabasho ka soo jeediyey dalalka Masar iyo Suudaan anaguna waxaan isku daynay inaannu waddamadaas ku qancinno biyo xidheenka  aannu dhisaynaa inaanu wax dhibaato ah u gaysan dalalkaas. Ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Wadahadallo dheer kaddibna Itoobiya waxay oggolaatay iney khuburo ka socda waddamada Ingriiska, Jarmalka Faransiiska, Koonfurta Afrika, Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay daraasad ku sameeyaan saameynta uu biyo xidheenka ay Itoobiya dhisanaysaa ku yeelan karo waddamadaas.

Wada xaajoodka u dhexeeya dalalka Masar iyo Itoobiya, ayaa hakad galay sannadkii 2018-kii, balse Masaarida ayaa soo jeediyay 2019-kii in dib loo bilaabo wada xaajoodka.

Maraykanka, ayaa si wayn u taageerayay inay wada hadlaan labada dal, balse Itoobiya ayaa Maraykanka ku eedaysay inuu afka ka gelinayo qorsheyaal aanay raalli ka ahayn kuwaas oo ay Itoobiya ku sheegtay inuu Maraykanku u janjeedho dhinaca Masaarida.

Masar, ayaa 90% biyaha ka hesha webiga Niil, taasoo shaki wayn ka qabta in biyo-xidheenkanina uu saamayn wayn ku yeelan doono xilli ay Itoobiya rajaynayso koranto ka dhalinta biyaha Niilka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga