Dalka Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay in gebi ahaanba la joojiyay salaadaha jamaacada ee lagu tukado masaajidda magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina.

Kumannaan kun oo qof, ayaa ku tukan jiray gudaha iyo bannaanka labada masaajid ee Xaramka iyo masaajidka nebiga naxariis iyo nababgeliyo korkiisa ha ahaatee, kuwaas oo ku kala yaalla labada magaalo.

Go’aanka dawladda Sucuudiga, ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Coronavirus, kaas oo si wayn dunida ugu faafaya.

Maalintii Salaasadii ayay ahayd markii la joojiyay salaadaha lagu tukado dhammaan masaajidda kale ee dalka Sucuudi Carabiya, taas oo ay isku waafaqeen haayadda culimada waawayn ee Sucuudiga iyo dawladda dalkaasi.

Sacuudi Carabiya, ayaa maalintii khamiistii shaaca ka qaaday, in 36 kiis oo ah fayraska Coronavirus la helay, tiradaas oo guud ahaan dadka cudurkaa laga helay gudaha Sucuudiga ka dhigaysa 274 qof inkasta oo aanay jirin cid ugu dhimatay cudurka gudaha Sucuudiga.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa hore u qaadday tallaabooyin ay ku xakamaynayso cudurka, sida joojinta duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo cumrada, xidhitaanka dugsiyada iyo meelaha laga dukaamaysto, maqaaxiyaha iyadoo sidoo kale dadkana lagu wargeliyay inaanay shaqo tegin.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga