Maanta  oo Jimce ma  jirin diyaarado ka soo degay garoonka  diyaaradaha magaalada Hargeysa, waxaana  istaagtay shaqadii madaarka ka socotay.

Diyaaradda   ETHIOPIAN Airlines, oo la filayay in ay maanta  soo caga-dhigato garoonka ayaan iman, iyada oo rakaabkii raaci lahaana  la sheegay in ay ka gudbayeen magaalada xuduudda  ku taalla ee Wajaalle.

Rakaabka,  ayaa diyaarada ka raaci doona magaalada  Jig-jiga ee deegaanka Soomaalida oo ay ugu sii gudbin doonaan caasimadda  Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa jiray warar  maanta lagu baahiyay  baraha bulshada oo lagu sheegay in ay ETHIOPIAN  Airlines ay ka soo degtay garoonka, laakiin warar xog ogogaal,  ayaa u sheegay Telefishanka Saab TV, in aanay jirin wax diyaarad ah  oo maanta madaarka soo fadhiisatay.

Maalintii shalay    ayey ahayd markii hawadda laga  celiyay diyaarada Fly Dubai oo ka degi lahayd Hargeysa .

Diyaarada  ETHIOPIAN Airlines,    ayaan iyana shalay ka soo degin  madaarka Hargeysa , waxaana rakaabkii  ay qaadi lahaayeen labada diyaaradood ay xalay ku hoydeen  Hargeysa .

Xukuumada  Somaliland weli kama hadal  sababta labada shirkadood u joojiyeen duulimaadyadoodii Hargeysa .

Dawladda  federal-ka Soomaaliya  oo sannadkii hore si rasmi   ah ula wareegtay maamulka hawada sare, ayaa toddobaadkan  ku dhawaaqday go’aan ay ku joojisay dhammaan duulimaadyada caalamiga si looga   hortago fiditaanka xanuunka Coronavirus , iyada oo go’aanka shalay hirgalayey.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga