Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa fiidnimadii maalintii Isniinta booqasho kuyimi magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, booqashada xoghaye Pompeo, ayaa lagu sheegay in xoogga lagu saari doono maalgashiga, ammaanka iyo khilaafka Itoobiya kala dhexeeya Masar.

Booqashada xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa waxay qaadan doontaa muddo saddex cisho ah isagoo la kulmaya madaxda dalka ugu sarraysa, qaybaha kala duwan ee bulshada Itoobiyaanka ah.

Muddada uu kusugnaan doono Addis, Mr. Pompeo waxaa kale oo uu kala hadli doono raysal-wasaare Abiy, doorashooyinka ka dhici doona Itoobiya iyo sidii hore loogu sii wadi lahaa nidaamka dimuquraaddiga ah ee ay Itoobiya cagta saartay tan iyo markii uu talada dalkaas qabtay, hoggaamiyaha isbedel-doonka ah raysal-wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed Cali sannadkii 2018-kii.

Muddada kooban ee uu haya talada dalkaasi Itoobiya, Abiy waxaa u suurtagashay inuu xabsiga kasii daayo boqollaal maxaabiis dhanka siyaasadda ahaa, weriyeyaal iyo dad kale oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, inkasta oo ay kor u kaceen rabshadaha qowmiyadaha ee dalkaasi Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga