Khubarada caafimaadka Shiinaha ayaa soo saaray daarasadii ugu waynayd tan iyo intii uu dilaacay xanuunka Coronovirus ee tobanaanka kun ee qof soo ritay todobadadii lasoo dhaafay.

Daraasadda oo lagu soo bandhigay xarunta xakamaynta iyo ka hor taga xanuunada ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in dadka waawayn iyo kuwa hore u xanuusanayay ay u nugulyihiin qaadida caabuqan. Waxa hoosaysa suurtagalnimada in caabuqu uu waxyeeleeyo dadka yaryar.

%80 dadka uu ku dhacay ayaan waxba u noqon xanuunka, iyadoo kaliya ay astaamo yaryar isku arkeen.

Hawl-wadeenada caafimaadka ayaa sidoo kale ay daraasaddu xustay in ay khatar ugu jiraan qaadida caabuqa. Warkooda ayaa yimi maalin kadib markii uu magaalada Wuhan ku geeriyooday dhakhtar maamule ka ahaa cisbitaal wayn oo magaalada ku yaaka, kadib markii uu qaadya viruska.

Xogaha ugu danbeeyay ee ay dawladdu soo saarayso ayaa muujinaya in dadka caabuqa u dhintay ay kor u dhaafayaan 1,800 oo qof , halka 72-kun in kabdanna ay qaadeen.xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga