Maviş Erdoğan iyo ninka ay tahay xaaskiisa ee Axmed Erdogan, labadadooduba waxay u dhasheen dalka Turkiga, waxaanay aqal-galeen sannadkii 2006-dii, wax ahayd waxyar uun kadib aqal-galkooda markii Axmed uu bukooday, isagoo la il-darnaa keliyaha oo shaqadoodii gabay.

Xaaladda Axmed, way kasii daraysay marba marka kasii dambaysa, iyadoo dhakhaatiirtu ay ka dayriyeen xaaladdiisa caafimaad. balse waxaa kelideedii ugu deeqday xaaskiisa Mavis.

Nolosha lamaanahan, ayaa dib rejo  u yeelatay iyagoo quluubta u furay kal-gacal hor leh.

Mar keliya, a yaa waxaa dhacay wax aan loo wada fadhiyin iyo lama filaan, kadib markii gabadhii Mavis ay dalba tay inuu ninkeeda Axmed soo celiyo kelidii ay u bixisay, iyadoo ku sababaysay in ninkeedu si qarsoodi ah u guursaday gabadh ay qaraabo yihiin.

Waxay sheegtay inuu ninkeedu khiyaameeyay, waxaanay  iyada oo ooyaysa dalbatay inuu usoo celiyo kelidii ay u saartay.

Axmed Erdogan, ninkeedu wuu ka jawaabay eedaymaha xaaskiisa, waxaanu sheegay inay gabadhu guri kaga bedelatay kelida, isagoo sheegay inaanayba ahayn inay kelida i siiso marka horeba.

Sida uu dhigayo sharciga dalka Turkigu, qofna xaq uma laha inuu soo ceshado xubnaha uu qof kale ugu deeqo sababtoo ah qofku wuxuu sii saxeexaa kahor inta aan qalniinka aanu gelin, balse gabadhan Mavis ayaa sidan ku catowday xilli laga waraysanayay  mid kamid ah telefishannada dalkaas iyada oo ooyaysa sheegtay inay la daalaal dhacayso korinta ilmo ay dhashay oo 11 sanno jira iyo ku noolaanshaha keli kaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga