Gudoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa ka hadlay safarka la sheegayo in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya ay ku yimaadaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in raysalwasaaraha waddanka Itooobiya, Abiy Ahmed, uu marar badan dawladda Somaliland usoo jeediyay safarkan, balse ay iyagu diiden. Wuxuu intaa ku daray in aanay ‘dilahayn hadii uu Farmaajo Hargeysa yimaado iyagoo u arkaya oday Soomaaliyeed.’

Gudoomiyaha ayaan hadalkiisa caddayn waxa uu uga jeedo ‘oday Soomaaliyeed’ balse arintan ayaa xaqiijin u ah in uu jiro safar la qorsheeyay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo raysalwasaarha Itoobiya ay ku imanayaan magaalada Hargeysa.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga