Xildhibaan Naasir Cali Shire oo katirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa mar uu ka hadlayay warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo iyo raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy oo wada socdaa ay Hargeysa imanayaan.

Naasir Cali Shire ayaa ku tilmaamay haddii arinkaasi dhaco mid guul darro ah iyo hoog, isagoo sheegay inaanu ka filanayn madaxwayne Muuse inuu ogolaan doono tallaabo noocaas oo kale.

Wuxuu xusay haddiiba arrimahaa lasoo hadal-qaado inay bulshadu diyaar ku noqoto madaarka sidii ay u googooyn lahayd ninkaa, oo uu ula jeedo madaxwayne Farmaajo.

Arrinta imaatinka Farmaajo ee Hargeysa, ayaa buuq ka dhex abuuray goobaha lagu shaaho iyo baraha bulshada dadka reer Somaliland.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga