Saynisyahanadda ayaa magac cusub u bixiyay caabuqa dhawaan ka dilaacay waddanka Shiinaha, si aan loogu dawakhin virus-ka oo aan magac rasmi ah loo bixin balse lagu magacaabi jiray uun bahweynta guud ee uu ka tirsanyahay.

Madaxa hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sidoo kale sheegay in xanuunka ay u aqoonsadeen magaciisa Covid-19.

Caabuqan ayaa dadka uu noloshaada galaaftay ay kor u dhaafayaan 1000 qof, waxaana uu saameeyay dad ka badan 40,000 oo qof, oo intooda badan la dhigay cisbitaalada gudaha waddanka Shiinaha.

Khubarada caafimaadka ayaa wali baadhaya haybta dhabta ah ee caabuqa, si ay usoo saaraan tallaalka ka hor taga ah oo baajin lahaa nolosha kumanaan qof oo hadda la il-daran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga