Aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo hor jeedsaday qorshaha uu wado madaxweynaha waddanka Maraykanka ee ku aadan nabad la kala dhex dhigo Falastiin iyo Israel.

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen mudanayaasha aqalka sare ee Senate-ku ayay ku qaadaceen arintan, sida aanu kasoo xiganay mid ka mid ah xildhibaanada aqalkaas oo warkan sheegay.

Qorshaha Trump oo uu ugu yeedhay ‘heshiiska qarniga’ ayay diiday dawladda Falastiin, balse waxa ogolaaday Sucuudiga iyo Masar.

Soomaaliya waxay hore uga hor jeedsatay go’aankii uu madaxweyne Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel, iyadoo golayaasha caalamiga ah ku cambaaraysay tallaabooyinka Yuhuudda ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga