Aqalka hoose ee baarlamanka Maraykanka loona yaqaano Koongareeska ayaa meel-mariyay hindise-sharciyeed taariikhi ah oo madaxweyne Trump ka xadidaya in uu Maraykanka dagaal galiyo.

Qaraarka ayaa u baahan ansixinta aqalka sare ee Senate-ka, halkaas oo xisbiga Trump ee Jamhuurigu uu cudud ballaadhan ku leeyahay.

Hadii uu meel-maro qaraarkani, Aqalka Koongareeska ayaa yeelan doona amarka ay xukuumadda Trump tallaabooyin milatari kaga qaadayso waddanka Iran, marka laga reebo in si toos ah loo weeraro Maraykanka, arintaas oo madaxweynaha loo daayay waxa uu ka yeelayo.

Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu Trump kusoo qoray “HANDADAAD MADAXWEYNE.” Wuxuu ula jeeday qaraarka ay meel-mariyeen Koongareesku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga