Diyaaraddii laga lahaa dalka Ukraine oo duullimaadkeedu ahaa PS752, ayaa burburtay waxyar uun kadib markii ay ka duushay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Imaam Khumayni International Airport oo kuyaalla magaalada Tehraan, caasimadda u ah dalka Iiraan.

Burburka diyaaraddan, ayaa waxaa naftoodii ku waayay 176 qof.

Sirdoonka dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Kanada, ayaa ku eedeeyay Iiraan inay iyadu soo ridday diyaaraddan, kadib gantaal ay ku dhufatay.

Sirdoonka reer galbeedka, ayaa sheegay inay Iiraaniyiintu si kama ah usoo rideen diyaaraddan, kadib markii ay weerareen saldhigyo uu Maraykanku kulahaa Ciraaq iyagoo ka cabsi qabay inuu Maraykanku jawaab ka bixin doono.

Wargeyska caanka ah ee New York Times iyo Telefishanka CNN ayaa baahiyay muuqaal ay ku sheegeen inuu ahaa gantaal Iiraan laga ganay kaasoo muujinaya burburka diyaaradda.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Iiraaniyiinta, ayaa beeniyay warka kasoo yeedhay reer Galbeedka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay dagaal dhinaca maskaxda ah.

Arrintan, ayaa imanaysa iyadoo xaaladda bariga dhexe tahay mid kacsan, balse lama oga halka ay ku dambayn doonto.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga