Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo ka mid ah madax-dhaqameedka aadka looga yaqaano dhulka Soomaalida gaar ahaan deegaanada Somaliland ayaa xaalad caafimaad loo dhigay mid ka mid ah cibitaalada magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Agagaarka cisbitaalka ayay isasoo dhoobeen dad aad u tiro badan oo ay ku jiraan madax-dhaqameed, wasiiro, iyo dad kale.

Suldaanka ayaa la filayaa in loo qaado dalka dibadiisa, iyadoo la sugayo diyaaradii qaadi lahayd. Xaaladiisa caafimaad ayaa la sheegayaa in aanay wanaagsanayn.

War-tabiyayaashayada oo goobta ku sugan ayaa noo xaqiijiyay in xanuunku uu ahaa kusoo-boodo, isla markaana lala tacaalayo xaalada caafimaad ee Suldaanka.

 

WIXII KUSOO KORDHA XAALADA CAAFIMAAD EE SULDAANKA KALA SOCO SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga