Odayaal kasoo jeeda beelaha Direed ayaa baaq nabadeed u diray beelo dhawaan ay diriri ku dhexmartay deegaan ka tirsan maamulka Galmudug ee badhtamaha waddanka Soomaaliya.

Wax-garadka iyo madax-dhaqameedkuba waxay SAABTV kula hadleen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyagoo ku baaqay in nabadda la adkeeyo isla markaana wixii la isku hayo lagu dhameeyo wada-hadal.

Beelaha ay dirirtu dhex martay ayaa ah ood-wadaag wada dega qaar ka mid ah deegaanada Maamulka Galmudug, waxaana loosoo jeedinayaa in ay damiyaan coolaada isla markaana is-afgarad gaadhaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga