Mudanayasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi wada jira ku meel marinaya dib u eegista Dastuurka.
Mudanayaasha ayaa wadajir uga dooday ansixinta iyo meel marinta habraaca dib u eegista Dastuurka, waxaana ku sugan Golaha oo Warbixin laga dhageysanayaa Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dib u eegista Dastuurka ee Labada Aqal Cabdi Qeybdiid.
Waxaa fadhiga ku sugan oo soo xaadiray 186 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaya oo ku sugan Guddoonka Labada Aqal oo aan kala maqneyn.
Guddiga la socodka dib u eegista Dastuurka ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ku mashquulsanaa dib u eegista 11 cutub oo ka mid ah 15 cutub oo uu ka kooban yahay Dastuurka.
Fadhigooda maanta ayaa la filayaa in ay ku meel mariyaan Xildhibaannada Labada Aqal Habraaca dib u eegista Dastuurka.