Dad Soomaali ah ayaa ku dhintay dab ka kacay dhisme ku yaala magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka. Dabka ayaa ka kacay dabaqa 14-naad ee dhisme ku yaala xaafadda Cedar oo ay degenyihiin dad badan oo Soomaali ahi.

Guud ahaan 5 qof ayaa ku dhintay dabka, kooxaha gargaarka ayaana si dhakhso ah ugu guulaystay in ay demiyaan.

Dhismaha ayay degenaayeen dad waawayn iyo dad iyagu kaligood iska nool oo aan la joogin qoysaskooda. Waxa wali socda baadhitaano ku aadan waxa dhaliyay dabka, iyo haybta dadka dhintay oo aan wali qaar la aqoonsan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga