Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa saaka ka dhoofay gegada diyyaradaha Cigaal ee magaalada Hargeisa.

 

Madaxweyne Biixi ayaa ku wajahan dhanka waddanka Jabuuti, halkaas oo la filayo in uu maantaba gaadho.

 

Wali ma jiro wax faahfaahin ah oo laga hayo madaxtooyada Somaliland, kaas oo la xidhiidha safarka madaxweynaha.

 

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xili ay dawladda Somaliland sheegtay in ay rabto wadahdal ay la gasho dawladda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhinacyo dhexdhexaadinaya. Sidoo kale safarkiisa ayaa imanaya xili dhawaan uu dalkaas socdaal kagasoo noqday maaxweyne Farmaajo.

 

Faahfaahinta kasoo baxda kala soco halkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga