Duufaantii ugu darnayd abid ayaa ku dhufatay jasiiradda bahamas ee ku taala badda caribbean-ka ee amerika, iyadoo ay sababtay khasaare baaxad leh.

Daadka ayaa ku fatahay aagaga ay dadku deganyihiin, iyadoo dabayluhuna ay guryaha burburinayaan.

Duufaanta dorian oo ah tan ugu xooga badan ee la arko taariikhda badweynta atlaantika ayaa saacadiiba jaraysa in kabadan 280km.

Duufanta oo si gaabis ah ugu siqaysa dhanka galbeed ayaa la filayaa in ay gaadho xeebaha dhanka bari ee waddanka maraykanka.

Gobolada florida, georgia, waqooyiga ito koonfurta carolina, ayaa lagaga dhawaqay xaalad degdeg ah, iyadoo dadka loo diray digniino badan.

Wali ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka jasiiradda bahamas, kaas oo muujinaya khasaaraha ay geysatay duufaantu.

Korontada ayaa badi jasiiradda ka maqan, iyadoo khadka internetkuna uu meelo kooban ka jiro. Inkasta oo la arkayay muuqaalo teel teel ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo muujinaya khasaaraha ay ka tagayso duufaantu.

Axadda maanta ayaa la filayaa in ay duufaanta dorain u talawdo xeebaha gobolka florida oo ay ku taalo xeebta caanka ah ee miami. Iyadoo illaa maalinta khamiista ay kusii fidi doonto xeebaha ku dhereran dhanka waqooyiga, sida ay saadaashu tilmaamayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga