Xasan Cali Kheyre, raysalwasaraha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay gaadhay magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug isagoo bilaabay kulamo kala duwan oo qeyb ka ah dhismaha maamulka Galmudug.

 

Wararka ka imanaya Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Kheyre saacadihii ugu danbeeyayba kulamo kala duwan la lahaa Madaxdii Ahlu sunna ee ku biiray maamulka Galmudug kuwaa oo dhawaan dood ka keenay heshiiskii ay la gaareen dowladda Soomaaliya.

Socdaalka Ra’iisal wasaaraha uu mar kale ku tagay Dhuusa-Mareeb ayaa qeyb ka ah dedaallada la doonayo in lagu dhiso Galmudug loo dhan yahay iyo sidii loo qancin lahaa hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca oo dhawaan sheegay in aysan ku qanacsaneyn sida ay dowladda Soomaaliya u maamushay heshiiskii ay wada-galleen. 

 

Amniga Magalada Dhuusamareb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku wada sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira, Millateri, Boolis, iyo Nabad-Sugid iyo sidoo kale Ciidamo ka tirsan AMIOSM oo ka kala socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya,kuwaas oo amniga siweyn xaqiijinaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga