Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ayaa aqbashay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson uu ku codsay in lagu kala diro baarlamaanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay la-taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda Britain eeloo yaqaano ‘The Privy Council’, ayaa sidaasi sheegay.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu xaqiijiyay in baarlamanka Britain howl-gab laga dhigay inta u dhexeysa 9-ka September ilaa laga gaarayo 14-ka October.

“Waxaa maanta boqoraddu ay amar ku bixisay in baarlamaanka uusan shaqeyn doonin inta ka horeysa 9-ka Spetember , 12-ka September ilaa laga gaarayo14-ka October 2019” Qoraalka kasoo baxay la taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda ayaa sidaasi lagu yidhi.

Baarlamanka Britain ayaa lagu waday in uu dib u furmo 2-da Sebtember marka mudanayaasha baarlamanku ay kasoo noqdaan fasaxa.

Raysalwasaaraha Ingiriiska ayaa u muuqda mid ka baqaya baarlamanka, wuxuuna doonayaa in inta ay fasaxa ku jiraan uu Ingiriiska heshiis la’aan kaga saaro Midawga Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga