Ciidamadda dalka Pakistan ayaa tijaabiyey gantaal ah kuwa ridada dheer ee goob ila goob gaadha kaas oo loo yaqaano (Surface-to-surface ballistic missile ‘Ghaznavi’).
Tijaabadan ayaa qayb ka hayd tababar xili habeenimo ah ciidamaddu sameynaayen, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Pakistan Major Gen Asif Ghafoor ayaa bartiisa Twitter ka ku sheegay in gantaalkani qaadi karo madaxyada madaaficda dagaalka noocyadood kala duwan isla markaasna gaadhi karo masaafo dhan 290KM.
Gen Asif Ghafoor ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxda ciidanka, Raisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dalkaasi u hambalyeeyen kooxda samaysa tijaabadan, waxa kale oo General Asif barta twitter ka soo dhigay muqaal muujinaya tijaabada gantaalka oo hawada sare sii galaaya.Dalka Pakistan ayaa khilaaf gamuurtay kala dhaxeeya dalka India oo dagaalo dhex mareen marar badan, khilaafkaas oo salka ku haya Gobolka Kashmir ee mudada dheer laysku hayay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga