Musharaxa Xisbiga mucaaradka Dalka Cameroon ayaa sheegay in uu ku guuleystay doorashadii madaxweynenimo ee Axaddii dalka ka dhacday iyada oo aanay wali jirin natiijo Rasmiya Oo ay ku dhawaaqeen Gudida doorashooyinku.

“Waxaa la ii cadeeyay inaan guusha ka haysto xisbiga taladda haya waanan qaatay”ayuu yidhi Maurice Kamto oo ah musharax Xisbiga Mucaaradka (MRC) shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Caasimadda Dalkaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxwaynaha xilka ka tagaya in uu abaabulo hab nabadeed oo awoodda wax loogu beddelo,” ayuu Kamto ku sii raaciyey

Laakiin gudoomiye kuxigeenka guud ee xisbiga talada haya Cameroon, Gregoire Owona, ayaa ku eedeeyay Musharaxa Mucaaradka in uu baal maray sharciga doorashooyinka dalka.

“Wax sax ah maaha in la shaaciyo natiijo aan kasoo bixin Gudida doorashooyinka, waana wax sharci darro ah,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in ay waqti hore ahayd in la yidhaahdo haddii qof uu ku guuleystay.

“Kamto xitaa kuma jirin wakiillada goobaha codbixinta, sidaas darteed suuragal maaha in uu xisaabiyo dhammaan codadka,” ayuu raaciyay.

Sharci ahaan, xarun kasta oo lagu Codeeyay waa in ay soo gudbisaa natiijooyinkeeda ka dib marka ay xaqiijiso guddiga doorashooyinka, ugu danbayntana Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ka mas’uul ah ku dhawaaqista 15 cisho gudahood

Biya, ayaa ah Madaxwaynaha ugu da’da weyn Afrika, isaga oo xilka hayay ilaa 1982-kii

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga