Xarumaha codbixinta doorashoyinka madaxtinimo ee dalka Cameroon,ayaa la soo xidhay,iyadoo si rasmi ah loo bilaabay tirinta codadka doorashoyinka ay ku loolamayaan Mr, Paul Biya oo talada hayey 36-sano iyo Maurice Kamto’s.

Paul Biya oo talada dalkaasi qabtay 1982-dii,waxa uu ka mid yahay madaxda Afrika ee mudada dheer hayey xilka madaxtinimo,isagoo haatan doonaya in uu mar todobaad isu taago xilkaasi.

Mucaaradka,ayaa durbaba sheegay in ay jiraan ku shubasho xagga codadka ah oo la siiyay madaxweyne Paul Biya ,waxaana jirta rabshado dhinaca Galbeedka dalkaasi ka socda

Natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo todobaad kadib,waxaana suurtagal ah in Paul Biya uu soo laabto ama loo doorto madaxweynaha 3-aad tan iyo markii dalka Cameroon uu madaxbannaanida ka qaatay dalka Faransiiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga