Sarkaal ka tirsan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono hindisaha Qaramada Midoobay ee ku aadan wadahadallo cusub oo loo qaado nabadda dalka Yemen.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Anwar Gargash ,ayaa sheegay in wadahadallo xilligaan laga yeesho dalka Yemen oo uu garwadeen ka yahay ergeyga Qaramada Midoobay Martin Griffiths ay yihiin kuwo ay si aad ah u taageerayaan,kadib Markii uu dib u dhac ku yimid shirkii Geneva.

Hadaladan ayaa imaanaya ,iyadoo laba todobaad kadib ay burbureen wadahadallo nabadeed oo ay soo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobay,kaas oo ay sababeen dagaalada ka socda magaalada Hodeidah.

Todobaadyadii tegey Qaramada Midoobay ayaa dadaal ku bixisay sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda Yemen iyo kooxaha Xuutiyiinta,waxaana ergeyga u xilsaaran dalkaasi uu si toos ah isu hor-fadhiisiyay dhinacyadaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga