Rayasalawasaarihii dalka Sweden Stefan Loven ayaa saaka kulan ay yeesheen baarlamanka Sweden kaga xayuubiyeen xilkii raysalwasaaranimo ka dib markii doorashadii dhawaan ka dhacday Sweden ay xukuumadisa iyo xisbiyada la bahwadaagta ah ee loo yaqaano (Red Greens) anay helin tiro kuraas baarlamaan oo ku filan sidii ay dalka mar kale u sii hogaamin lahaayeen.

Baarlamanka Sweden oo ka kooban 349 xildhibaan ayaa ay saaka soo xaadariin 346 xildhibaan waxaa kalsoonida kala laabtay raysal wasaaraha 204 xildhibaan halka 142 ay ka soo horjeesteen xil ka qaadistiisa.

Natiijada doorashadii 9 Septemper dhacday ayaan u suurta gelin isbahaysiyada xisbiyada siyaasadeed ee afkaaraha midigta iyo bidixda kala aaminsan in midkodna ku guulaysto aqlabiyada kuraasta baarlamanka.

Maalintii shalay ahayd waxa ay baarlamaanku u doorteen afhayeen siyaasiga Andreas Norlén kaasi oo ah siyaasi ka soo jeeda xisbiyada mucaaridka ah waxaana afhayeenka baarlamaanku dhismaha xukuumada cusub iyo dhex-dhexaadinta xisbiyada siyaasadaba uu ka qaata door muhiim ah .

Inkastoo xilkii laga qaaday Raysalwasaare Stefan Loven hadana dad badani waxa ay saadaalinayaan inuu hasyto fursad uu ku soo laaban karo talada dalka hadii doorashada raysalwasaaraha cusub ay xulafadiisu taageero ka hesho xisbiyada midigta dhexe ee Centerka iyo Liberaalka.

Dhanka kalena xisbiga midigta fog ee Swedish Democrats oo isagu sanadkan korkac sameeyay islamarkaana dooarashadii dalka ka qabsoonay helay 17.9 boqolkiiba codadkii la dhiibtay ayaa shuruud ku xidhay taagerada xisbiyada mucaaridka ah taasi oo rabo inuu samayn muuqato ku yeesho siyaasada Sweden balse ilaa haatana ma jirto saadaal muujanaysa in xisbigani door muuqada ku yeelankaro xiligan siyaasada Sweden.

Ugu danbayntiina maalinta khamiista ah waxaa si rasmiya u furmi doona wada hadalada xisbiyada oo uu hagi doono afhayeenka baarlamaanku waxaana loo badinaya si dalka uga badbaado doorasho ku celis ah in xisbiyado isu tanaasulaan lana soo dhiso doono dawlad wadaag ah si xukuumada cusubi u hesho aqlabiyad baarlamaan oo ay ku meelmarsan karto miisaaniyada ay ku shaqayn lahayd afarta sano ee soo socota.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga