Wararka ka imanaya magaalada Mambaay ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in uu burburay dhisme saddex dabaq ahaa oo ku yaallay meel u dhow halkaasi horraanta subaxnimadii maanta.

Wararka ayaa sheegaya in tirada dadka ku geeryooday inta la xaqiijiyay ay marayso 8 ruux sida ay qorayso warbaahinta maxalliga ahi.

Wararka ayaa sheegaya in in burburkan dhismahan ayaa yimi iyadoo ay badi dadkii degganaa dhismahani ay ahaayeen kuwo hurdo, waxaana la sheegayaa in qiyaastii 20-25 qof oo kamid ah dad badan kuwaas oo uu hoy u ahaa dhismaha burburay ay weli ku xayiran yihiin goobta.

Saraakiisha gurmadka degdegga ah ayaa waxa ay sheegayaan in kooxaha dadka samata-bixiyaa gaadheen goobta dhismaha burburay kaasi oo ku yaallay magaalada Bhiwandi taasi o qiyaastii 40 Km jirta magaalada ganacsiga iyo dhaqaalaha ku caanka ah e Mombaay.

Waxay ahayd uun bishii lasoo dhaafay markii ugu yaraan 13 oqf ay geeryoodeen kadib markii uu burburay dhisme ka koobnaa shan dabaq magaalo warshadley ah oo isla Mumbai u jirta qiyaastii 165 Km.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga