Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay aanay taageeri doonin cunaqabateyn lagu soo rogo Iran oo ay dalbanayso dawladda Mareykanku, xoghayaha guud ee qaramada midoobay, ayaa ku xidhay shardiga ah ogolaansho uu arrintaasi ka bixiyio golaha ammaanka qaramada midoobay. 

Warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AP, maalintii Axaddii, taasi oo uu madaxa qaramada midoobay u diray madaxa golaha ammaanka ayaa muujisay walaaca ah in Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo uu kiciyay hannaanka dib u soo celinta cunnaqabateynta ee ku saabsan qaraarka Golaha Amniga,  kaasi  oo sal ku leh heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 dhexmaray Iran iyo lix quwadood oo waaweyn.

Antonio Guterus, xoghayaha guud ee qaramda midoobay waxaa uu  sheegay in aan go’aan ka qaadan karin hubanti la’aanta ka jirta arrinta Iiraan  sidaasi awgeedna uu u baahan yahay cadeyn ka timaadda golaha ammaanka.

Sarkaal sare oo Maraykan aha yaa sheegay in maamulka madaxwayne Trump uu maanta cunaqabatyno kusoo rogayo haayado iyo shakhsiyaad reer Iiraan ah, kuwaas oo ku lug leh hawlaha nukliyeerka iyo gantaallada dalkaasi Iraan.

Iiraan ayaa si wayn iskaga daadifaysa eedaymaha uu Maraykanku usoo jeediyo.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga