50 sanno ka hor maanta oo kale waxa guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ka dhacay afganbi milatari oo uu madax ka ahaa madaxweynihii kacaanka Maxamed Siyaad Barre. 21-ka bishii October 1969-kii ayaa saraakiil uu hor kacayay generaal Siyaad Barre ay xoog ula wareegeen xarumaha dawladda iyo warbaahintii qaranka, iyagoo shaaciyay in ay guud ahaa la wareegeen talada Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo waagaas la isku odhan jiray Somaaliya iyo Somaliland.

Xukunka Siyaad Barre wuxuu soo afjaray 9 sanno oo xukun dadweyne ah ama dawlado rayid ahi ay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed xukumayeen,waxaana la galay 22 sanno oo milatarigu ay waddanka hogaanka u hayeen.

Mudadaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay ku tallaabsatay horumar aan hore loo arag, iyadoo ku dhawaatay in ay Afrika hormuud u noqoto dhinacyo badan oo ay awooddu ak mid tahay, balse ‘hal bacaad lagu lisay’ ayay noqotay kadib markii laga biyo diiday dhaqamada dawladda oo kali-talisnimo isu bedelay sida ay dad badani qabaan.

50 sanno kadib Soomaaliya waxay la daalaa-dhacaysaa jabka kasoo gaadhay raadkii ay ka tagtay dawladdii Siyaad Barre, iyadoo kumanaan shacab ah dagaalada sokeeye lagu dilay 30kii sanno ee lasoo dhaafay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga