Bishii Agosto 31keedii 2019 ayey Dawladda Federalka Somalia (DFS) shaacisay heshiis ay
la gashay European Union-ka (EU) oo lagu maalgelinayo horumarinta magaalooyinka
Muqdisho iyo Berbera. Mashruucaas oo dhan 23 milyan oo Euro, oo 8 milyan oo ka mid ah
loo qoondeeyey horumarinta magaalo xeebeedka Berbera.

Laakiin qorshaha heshiiska waxa ganafka ku dhuftay wasiirka qorshaynta ee Somaliland (SL)
isagoo sabab ka dhigay in aanay Somaliland qaadanayn maalgelin soo martay Xamar. DFS
wax jawaab-celin ah kama bixin tiraabtaas.

Waxase ka daba qaatay agaasimihii hore ee wasaaradda qorshaynta Somaliland Cabdi Cali
Jaamac, oo ku tilmaamay in jawaabta wasiirku tahay ged cusub oo u baahan faahfaahin
dheeraad ah; isagoo farta ku fiiqay siyaasadda (policy) SL, aan qornayn, oo ah in deeqaha
caalamiga ah ee ay hesho DFS/Xamar laga qayb-qaato sida maamul goboleedka Puntland.

Wuxu md. Jaamac tusaale u soo qaatay mashaariicda GPLG ee horumarinta magaalooyinka
ee Xamar, Hargeysa iyo Garoowe qaybsadaan, loona yaqaan “wadaagga saddexanka
(troika)”.

Waxa kale oo ex-agaasime Jaamac tilmaamay mashruucii u dambeeyey ee Education Cannot
Wait, ee bishii July 2019, daah-furkiisu ka dhacay Hargeysa, goob-joogna ka ahaayeen
wasiirada iyo xildhibaanada dawladda SL, kaasoo toos u hoos yimaada Wasaaradda
Waxbrashada ee Xamar.

Taas oo macnaheedu yahay Hargeysi ma diidin maal-gelintaas ee warbaahinta laga sheegay
ayey saluugtay. Bal adba suuree dhuumashadaa dhabarku muuqdo.

Madaxda Hargeysa waxay taas Xamar ugu gudaan af-lagaaddo iyo tahdiid joogto ah. Tusaale
waxa kuugu filan ereyadii xanafta badnaa ee bishan September 2019 madaxweynaha SL, md Biixi, ku hurgufay madaxweyne Farmaajo munaasabaddii qalan-jebinta ee jaamacadda
Hargeysa. Mana aha markii ugu horaysay.

Haddaba si loo sugo caawimo caalami ah waxa Hargeysa iyo Xamar ka dhexeeya wada
shaqayn joogto ah, oo ay hormuud ka yihiin wasaaradaha maaliyadaha, qorshaynta iyo
bangiyada dhexe ee labada dhinac.

Wada-shaqayntan dhow ee noocan ah waxa lagu astayn karaa in Xamar iyo Hargeysa gogol
ku wada jiifaan, haddana shacabka waa laga qariyaa oo dibnaha lama soo mariyo.
Waxa yaab leh in Xamar afka furatay markii, bishii July 2019, uu Md Biixi siyaartay dalka
Guinea oo ay haddana shib uga tiraa marka meeqaamka, iska ictiraafka ah, ay Djibouti siiso Hargeysa? Imikana waxa socda qorshaynta waddada Djibouti ilaa Boorame ee ay wada wadaan Hargeysa, Xamar iyo Djibouti.
Waxa intaa raaca in dalalka reer Europe (United Kingdom, Denmark, Sweden iyo Holland) ee bixiya lacagta sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) ee ay toos u hesho Hargeysi, uu
ansaxiyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Kolkaa DFS waa ka raali inay Hargeysa wada shaqaystaan marka ay timaado wada-maalka
naaska caawimada caalmiga ah, iyo in dalalka qaar meeqaam aqoonsi ku dhow siiyaan
Hargeysa.
Dabcan waxa halkaa kaaga soo bixi:.Xamar iyo Hargeysa waa ku heshiis in shacabka
Somaliland lagu hayo qol mugdi ah.
Markaa su’ashu waa: maxay Xamar ka dheefaysaa asturka joogtada ah ee ay huwiso
dhuumashada Villa Hargeysa, ee ku aaddan wada shaqaynta joogtada ee ka dhexaysa iyaga iyo Hargeysa?

Jawaabta ugu dhow ee su’aashaas kore waxay noqon kartaa inay Xamar qaadatay mowqif
ah in la sabaaleeyo Hargeysa, si ay ugu soo hirato qaranka ay ka mid tahay, ugana
tanaasusho gooni-goosiga.

Faraq weyn baa u dhexeeya dhiirigelin iyo sabaalayn. Dhiirigelintu anshax-marin iyo abaalmarinba way yeelan kartaa, hadba tii ku habboon; laakiin sabaalayntu waa wada abaal-marin.
Sideedaba kool-koolintu waa fal-dhaqan aan marna soo saarayn maxsuul togan, sida ay
naawilayso Xamar oo ah: bal mar uun in madaxda Villa Hargeysa aqbalaan, rasmiyan, ka mid
noqoshada qaranka Jamhuriyah Somaliyah.

Talow, Xamar ilaa intee ayey sabaalayn kartaa Hargeysa? Waqtigaa Sheegi. Inshallahu
khayr.

Wa Bilahi towfiiq
Maxamuud C/llahi Axmed
London UK
maxamuudaxmed@live.com

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga