Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen mid ka mid ah hogaamiyayaasha ururka alShabab, ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda federaalka Soomaaliya.

Dawladda ayaa sheegtay in ay duqaymo ay ka fulisay gobolka Shabeelada Hoose ay ku dishay hogaamiyahan iyo saraakiil kale oo ka tirsan alShabab.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ururka alShabab, marka laga tago sheegashada dawladda.

Xasan Abshir oo ahaa ku-xigeenka guud ee ururka alShabab ayaa lagu dilay duqaymaha, sida ay sheegayaan ciidanka dawladdu. Ciidanka ayaa intaa ku daray in isla duqaymaha lagu dilay tiro ka badan 20 dgaale oo ka tirsan alShabab.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga