Ma jiro dugsi ama School lamid ah oo kuyaal meerahan dhulka, City Montessori School oo loo soo gaabiyo CMS, ayaa loo aqoonsaday iskuulka ugu wayn adduunka ee ay arday dhigato.

Dugsigan, ayaa la aasaasay sannadkii 1959-kii, iyadoo lagu bilaabay shan carruur ah iyo lacag dhan 300 oo rupee waa lacagta laga adeegsado dalkaasi Hindiya’e, taasoo u dhiganta wax ka yar shan dollar.

Iskuulkan, ayaa imika waxaa wax ka barta arday tiradooda lagu qiyaasay illaa 55,000 oo arday halka ay ka hawlgalaan 4,500 oo shaqaale ah, kaasoo ka kooban 18 dhisme ama kambas.

Lucknow, oo ah magaalada uu kuyaal dugsigan, ayaa waxaa lagu xasuustaa inay ahayd magaaladii u kadhacay kacdoonkii ugu horreyay ee ay sameeyaan dadka reer Hindiya, kaasoo ay kaga soo horjeedeen gumaystihii Ingriiska, magaalada, ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inay ahayd meel ay kasoo baxeen culimo badan oo muslimiin ahaa.

Sannadkii 2002-dii, ayay hayaadda UNESCO Ku abaalmarisay, abaalmarinta nabadda iyo kor u qaadidda tacliinta dugsigan, isagoo dugsigani galay buugga lagu qoro dhacdooyinka caalamka ee layidhaa World Genious record-ka.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga